Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Musuqmaasuq loo xidhay

Hargeysa  -(Berberanews)-Guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii Degmada 31ka May ee caasimadda Hargeysa, ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, kadib markii lagu eedeeyey arrimo la xidhiidha musuqmaasuq.

Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray saraakiisha musuqa loo xidhay, balse sida ilo-wareedyo xogogaal ah warbaahinta u sheegeen labada masuul ayaa loo haystaa eedaymo musuq-maasuq, kadib baadhitaanno Hanti-dhowrka Guud ka wado Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa marar badan warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigsan doono yo cid kasta oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Dawladda Hoose oo lagu helo falal la xidhiidha arrimo musuqmaasuq iyo lunsiga hantida ummadda.