Madaxweyne Biixi oo Madaarka Hargeysa ku qaabilay weftigii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti culus oo uu horkacayey Taliyaha Guud ee Taliska Ciidammada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo markii ugu horreysay socdaal ku yimi caasimadda Hargeysa maanta.
Kulan ballaadhan oo Madaxweyne Biixi kula yeeshay Madaarka Cigaal ee Hargeysa weftiga ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, isla markaana xubno ka yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka USA Ambassador Larry André,  ayaa labada dhinac kaga wadahadleen arrimo ku saabsan xoojinta xidhiidhada iskaashi iyo amni ee ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hargeysa, waxa ujeeddada socdaalka weftiga Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) la xidhiidhaa sidii dawladaha Maraykanka iyo Somaliland wada-tashi uga yeelan lahaayeen horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.
Jeneral Townsend oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey ciidammada Maraykanka ee booqda Somaliland tan iyo 1991-kii, waxa safarkiisa ku wehelinayey Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dwladda Maraykanka.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa uga mahadceliyey weftiga safarka ay ku yimaaddeen Somaliland, waxaannu u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo millateriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.
“Booqashada Jeneral Stephen Townsend iyo weftiga la socda waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dal. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xooggan, kana weyn oo dhexmarta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhankooda waxa si wadajir ah hadalka Madaxweynaha Somaliland u soo dhoweeyey Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada amniga iyo milletariga ee labada dhinac.   

Sidoo kale intii weftigu booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxa ay booqdeen ku tageen Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bani’aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba.
Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay daba socotaa booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tegay Maraykanka bishii March ee sannadkan 2022 iyo sahan Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku yimaaddeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.  

Kulankaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Md  Maxamed Kaahin Axmed, Gashaandhigga Md Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid), Taliyeyaasha Ciidammada Millateriga iyo Booliska, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).