Itoobiya oo fashilisay hub Al-shabaab gelinayeen gudaha dalkeeda

Addis Ababa -(Berberanews)-Dawladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay hub kala duwan oo ay kooxda Al-shabaab damacsanaayeen inay geliyaan gudaha dalkooda.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Addis Ababa oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inay hubkaas gacanta ku dhigeen ciidammada Itoobiya ee ku sugan Dawlad-degaanka Soomaalida horraantii toddobaadkan.
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay hawlgal ay ciidammada ammaanku ka fuliyeen degmada Barey oo ka tirsan Dawlad-degaanka Soomaaliya in gacanta lagu dhigay hub isugu jira 50 qori oo AK 47 ah, 10 RPG amma baasuuke iyo kumannaan xabbo rasaas ah oo la doonayey in dhuumasho lagu geliyo dalka.

Dawladda Itoobiya ayaa xidhay siddeed qof oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen hubka la doonayey in qarsoodi lagu geliyo dalkaas.

Hubkan ayaa sida la sheegay waxa lagu qabtay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidammada gaarka ah ee Dawlad-degaanka Soomaalida iyo saraakiisha Sirdoonka Qaranka Itoobiya ee sugan gobolkaas.

Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay inay socdaan baadhitaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo qorshaha Al-shabaab la damacsanaayeen hubka ay ku wadeen gudaha dalkooda.
Horraantii bishan ayey ahayd markii ciidammada Itoobiya gacanta ku dhigeen xubno Al-shabaab ah oo qorshaynayey in ay weerarro argagixiso ka geystaan gobolka.
Dawladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay bishii February ee sannadkan inay qabatay 34 xubnood oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ee ka dagaallama gudaha waddanka Soomaaliya, xilli ay doonayeen inay weerarro ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa iyo magaalooyinka kale ee dalkaas.