Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo ka hortimi Guddida Baadhista

Hargeysa   -(Berberanews)-Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa ganafka ku dhufatay guddi madaxbannaan oo Madaxweyne Muuse Biixi u xilsaaray dhowaan baadhista khilaaf maamul iyo maaliyadeed oo ka dhex jira Guddida Doorashada, guddidaas oo ay sheegtay in aanay dhexdhexaad ahayn.
Marwo Kaltuun oo warbaahinta la hadashay maanta, waxa ay si adag uga hortimi guddida baadhiseed ee Madaxweyne Biixi u magacaabay baadhista Komishanka Doorashooyinka oo ay ku tiirsanaantay mid aan dhexdhexaad ahayn.
“Waxaannu diyaar u nahay in la soo diro guddi baadhiseed oo madaxbannaan oo baadha arrimaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxana aannu rumaysanahay in guddida hadda la soo magacaabay aanay ahayn guddi dhexdhexaad ah,” ayey tidhi Kaltuun Sheekh Xasan.
Waxa kaloo ay ku dooday in aanay jirin wax dhibaato ah oo u dhexaysa xubnaha Guddida Doorashooyinka.
“Ma jirto wax dhib ah oo ka dhacay Komishanka Doorashooyinka Qaranka … Waxa keliya ee ay sameeyeen isbeddel ku yimi hoggaanka, iyada oo la beddelay guddoomiyihii hore ee Cabdirashiid Riyo-raac, guddoomiye cusubna loo doortay anigoo ah Kaltuun Sh. Xasan, 27kii April 2022,” ayey tidhi.
Guddoomiye Kaltuun ayaa sidoo kale sheegtay in aannu jirin khilaaf maaliyadeed oo u dhexeeya xubnaha Komishanka, sida lagu xusay qoraalkii Madaxweynuhu ku magacaabay guddida baadhista.
“Doorashadayda waxa loo maray hab sharci ah oo la mid ah kii markii horeba lagu doortay guddoomiyihii hore sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka … ma jirin, mana dhicin marna wax khilaaf maaliyadeed ah oo xubnaha Komishanka Doorashooyinku codsadeen in la baadho, waxase jiray khilaaf maamul oo soo jireen ah oo uu abuuray guddoomiyihii hore,” ayey tidhi Kaltuun.

Dhinaca kale, waxa ay ku eedaysay guddoomiyihii hore ee Komishanka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) inuu isagu abuuray khilaafka, kadib markii siday sheegtay xilka looga qaaday musuqmaasuq uu sameeyey dartii.
27 bishii April ee la soo dhaafay, ayaa kulan ay yeesheen 5 ka mid ah toddobada xubnood Komishanka waxay xilkii Guddoomiyaha kaga qaadeen Cabdirashiid Riyo-raac, iyagoo ku beddelay marwo Kaltuun, tallaabadaas oo guddoomiyihii hore si adag uga horyimi, isla markaana aan ilaa hadda xal loo helin khilaafka u dhexeeya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.