Diyaaradda qaaliga ah V-22 OPSREY ee Maraykanka oo joog hoose ku dulmartay Hargeysa

Waxa uu ahaa muuqaal awood leh  ama “Powerful Symbolism,” markii diyaaradda casriga ah ee V-22 oo ciidammada Maraykanka oo keli ah leeyihiin ay joog hoose ku dul martay dhowr jeer hawada caasimadda Hargeysa maanta, taas oo caddayn buuxda u noqonaysa baaxadda uu le’eg yahay saldhigyada millateri ee Maraykanku doonayo inuu ka samaysto ka doonayo Somaliland.

Diyaaradda V-22 Osprey ayaa joog hoose ku dul martay hawada caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee maanta.

MAXAA CUSUB?

V- 22 Osprey, waxa farsamaysa shirkadda Bell Helicopter, waxana lagu sameeyaa magaalada Fort Worth ee Gobolka Texas.

V- 22 Osprey, ayaa halkii xabbo ay tahay lacag dhan USD$110million, waxana diblomaasiyiin jooga Nairobi ay aaminsan yihiin in xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland si ballaadhan loo macnayn doono maalmaha soo socda.

V-22 Osprey waa diyaarad iyo helicopter la isku daray, waxana samèeya oo keliya Maraykanka.

V-22 Osprey  ayaa socota 933km saaacaddii, waxaanay qaaddaa 24 askari.

Diyaarada V- 22 Osprey, ayaa ay allifeen Maraykanka 13 June 2007, iyada oo aan hore u jirin.