Xukuumadda Somaliland oo markale ku celisay in doorashada waqtigeeda lagu qabanayo

Hargeysa   -(Berberanews)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markale ku celisay in waqtigooda lagu qaban doono doorashooyinka u muddaysan sannadkan, kadib markii xisbiyada mucaaradku walaac ka muujiyeen qabsoomidooda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da maanta, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay diyaar u tahay inay waqtigeeda ku qabato doorashada Madaxtooyada, isagoo meesha ka saaray werwerka mucaaradku ka qabaan arrintaas.
“Hadalka ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka waxaannu qabnaa in aannu jirin. Markasta xukuumaddu waxay qabtaa oo ay riixaysaa in doorashadu waqtigeedii qabsoonto,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Waxa kaloo Wasiir Koore ka hadlay guddida madaxabannaan ee Madaxweyne Biixi u magacaabay baadhista khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee ka dhex oogan xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka,  taas oo uu sheegay inay tahay tallaabo sharcigu awood u siiyey Madaxweynaha inuu guddi u saari karo haddii khilaaf maamul soo kala dhexgalo toddobada xubnood ee Komishanka Doorashada Somaliland.

Xisbiyada mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa aad uga qayliyey dhaqangelinta xilligan ee Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda  Somaliland, arrintaas oo ay ku doodayaan inay tahay taako Madaxweyne Biixi ku doonayo inuu dib ugu dhigo qabashada doorashada Madaxtooyada ee u astaysan 13, November, 2022.

Sidoo kale, labada xisbi mucaarad ayaa ka biyo diidan guddi madaxbannaan oo Madaxweynahu u xilsaaray baadhista khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, iyagoo Guddi-baadhiseedka cusub ku tilmaamay mid aan loo dhammayn oo aan dhexdhexaad ahayn.