Xoghayihii Guud ee KULMIYE oo xilka laga qaaday, mid cusubna loo magacaabay

Hargeysa -(Berberanews)- Guddiga Fulinta Xisbul-xaakimka talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa xilka ka qaaday Xoghayihii Guud ee xisbiga Mr. Ibraahim Axmed Raabbi, iyadoo xilkaasna loo magacaabay masuul cusub oo la yidhaa Xariir Xirsi Adar.
Xoghayaha Guud ee cusub Mr. Adar waxa uu ka mid ahaa musharrixiintii hadhay ee xisbiga KULMIYE uga qaybgalay doorashadii Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex.
Kulan Guddida Fulinta ee KULMIYE ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa maanta, ayaa lagu ansixiyey degreeto Madaxweyne Muuse Biixi oo sidoo kale ah Guddoomiyaha xisbiga ugu magacaabay Xariir Xirsi Adar inuu noqdo Xoghayaha Guud ee KULMIYE, kadib markii xilkaas laga fadhiisiyey Ibraahim Axmed Raabbi.