Madaxweyne Biixi oo Guddi-baadhiseed u magacaabay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa-(Berberanews)-Wareegto Madaxweyne: 10/05/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo warbixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:
Wareegto Madaxweyne.
UJEEDDO: MAGACAABID:

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
Markaan Arkay:  Qoraalka summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay codsi Guddi-badhiseed;
Markaan Arkay: Qoraalka summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022, kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyry Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Arkay:   Warbixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo  gudbin warbixin baadhiseed;
Markaan Arkay:   Warbixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Arkay:   Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranka u  leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalka iyo hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;
Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-
gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka
 Doorashooyinka Qaranka;
Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;
Waxaan Go’aamiyay;
1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;
1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
2. Farxaan Maxamed Cali Xubin
3. Siciid Xasan Habbane Xubin
4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin.
2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:
– Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee  Xubnaha Komsihanka.
– Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.
– Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.