Dab laydh oo halis geliyay Boqollaal Ganacsi oo Suuqa Hargeisa ah

Hargeysa-(Berberanews)-Shoodh ka kacey Xadhko Laydh oo ay leedahay Shirkada  SOMPOWER ayaa gaystay Khasaare, halisna galiyey Boqolaal Ganacsi oo Suuqa Hargeisa ah Caawa.

Shoodhka ayaa ka bilaabmay Xadhko Meherado iyo Dhismayaal Dulmarayey, gaar ahaan agagaarka Istaanka Basaska ee Cabaaye ama kasoo horjeedka Farmasiga Alla Aamiin, inkastoo dedaalo la sameeyay lagu Xakameeyay, hadana waxa uu khasaare koobani soo gaadhay meherado dabka laydhku gaadhay oo dadwaynuhu ay bakhtiiyeen

Hargeisa iyo guud ahaanba Somaliland Xadhkaha Laydhka ayaa u baahan Qorshe ka duwan siday hada,yihiin maadama oo ay halis joogto ah ku hayaan bulshada.