39 murashax oo ku tartami doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho -(Berberanews)-39 murashax ayaa si rasmi ah isugu diiwaangeliyey tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay qabsoonto maalinta Axadda soo socota ee taariikhdu tahay 15 May 2022.

Waxa maanta la soo gabagabeeyey diiwaangelinta musharrixiinta madaxtinnimada Soomaaliya oo socotay saddex maalmood.
Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah u diiwaangeliyey 39 musharrax oo ku baratami doona xilka Madaxweynaha Soomaaliya,   iyadoo loo qoondeeyey musharrixiintu inay bilaabaan khudabahooda ololaha doorashada oo ay u jeedin doonaan xildhibaannada Baarlamaanka berri Arbacada.