Xirsi oo Khudbad-sannadeedka Madaxweynaha ku tilmaamay hadal-tiro aan nuxur lahayn

Hargeysa  -(BerberanewsGuddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si jeesjees ah u naqdiyey khudbad-sannadeedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey fadhi wadajir ah oo labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa maanta.
Qoraal Guddoomiye Xirsi ku qoray bartiisa Facebook galabta, waxa uu khudbadda Madaxwayne Biixi ku tilmaamay mid aan nuxur lahayn, isla markaana xaqiiq ku qotomin.

“Khudbadda Madaxweynaha ee muddo-dhaaftay:
Haddii warbixinta ay xambaarsan tahay aanay xaqiiqda ku qotomin ama tahay mid aan la hubsan oo aan sax ahayn. Tusaale ahaan, waddada Oodweyne oo uu sheegay in wax yar ka hadhsan yihiin, xaalka macaiishadda ama sicir-bararka ka jira dalka iwm, iyada oo sannadkii tegay aanay khudbaddu wax badan ka warramin ee ay dhacdooyinkii sannadkan uun sheegtay.
Haddii aanay wadan qorshe Qaran oo sheegaya qorshaha xukuumadda ee sannadka amase sannadkiiba kala badhan yahay, iyada oo weliba Madaxweynaha waqtigiisii gabaabsi yahay oo lix bilood u hadhay.
Haddii aanay khudbadda Madaxweynuhu ka jawaabayn dhibaatada taagan iyo duruufaha adag ee bulshada haysta oo aanay xal soo bandhigayn.
Haddii Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday aannu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho. Dee waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo “Shimbirayahow heesa.”
W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan