Raiisal-wasaaraha Sri Lanka Mahinda Rajapaksa oo is-casilay

Sri Lanka-(Berberanews)-Raiisal-wasaaraha Sri Lanka Mahinda Rajapaksa ayaa iscasishay iyadoo ay jiraan mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo sida ay dowladdu wax uga qabato dhibaatooyinka dhaqaale ee sii xumaanaya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo jasiiradda lagu soo rogay bandow kaddib rabshado qalalaase wata oo u dhexeeya taageerayaasha Rajapaksa iyo dibadbaxayaasha dowladda ka soo horjeeda ee Colombo.

Shan qof ayaa ku dhintay oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya, in ka badan 190 kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay caasimadda.

Waxaa jiray mudaaharaadyo ka dhashay qiimaha sare u kaca iyo korontada oo go’ay tan iyo bishii hore. Jaziiraddan ayaa waxaa soo food saartay xaalad dhaqaale xumo tii ugu darneyd tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Ingiriiska 1948-kii.

Mr Rajapaksa, oo 76 jir ah, ayaa warqadiisa istiqaalada u diray walaalkii ka yar Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa, isagoo sheegay inuu rajaynayo inay gacan ka geysato xallinta xiisadda, balse tallaabadan ayaa ah mid aad u adag in lagu qanciyo mucaaradka.

Tan iyo markii ay mudaaharaadyadu qarxeen horraantii bishii April, mudaaharaadayaashu waxay ku sugnaayeen xaalad buuqa laakiin si nabad ah ayay dareenkooda ugu soo bandhigeen bannaanka xafiiska madaxweyne Rajapaksa ee Galle Face Green, iyagoo dalbanaya inuu iscasilo.

Qiimaha maciishada ayaa noqday mid aan la awoodi karin.

Kaydka lacagta qalaad ee Sri Lanka gabi ahaanba wuu burburay, mana awoodi karto in ay awooddaan alaabta muhiimka ah oo ay ku jiraan cuntooyin, dawooyin iyo shidaal.