Nuxurkii & Muhiimaddii Khudbad Sanadeedkii Madaxwaynaha

1. Shaqaalaha Dawlada Waxaa lagu kordhiyay Muddo Afar sano ah 7,000 oo shaqaale ah oo u dhiganta 39%.
2. Sanadkii hore waxaa la hirgaliyay Mashaariic Horumarineed oo dhan 89 Mashruuc.
3. Xukuumadu waxay Abuurtay Siyaasada La dagaalanka Sicir-bararka isla sidoo kalena waxay dejisay Siyaasada Dejinta sarifka Lacagaha.
4. Xukuumadu iyadoo Dhiirigalinaysa Maal-galinta Shaqsiyadeed ee Shaqaalaha Dawlada iyo Hay’addaha Dawlada, Waxay Dayn u bixisay 13Million oo Dollar.
5. Waxaa Hirgalay Dhismaha Dekeda Maydh.
6. Waxaa Dhamaaday Wajigii Koowaad ee Dhismaha Dekeda Ber-bera, waxaana Gabo-gabo ah 600m oo lagu kordhiyay dhismaha Dekeda Ber-bera.
7. .Waxa taageero lacageed oo dhan $640,000 la siiyay qoysas tiradoodu dhan tahay 32,000 oo qoys oo u dhigma 200,000 qof. Qoysaskaasi waxa ay helaan bil walba $20 USD. Waxa loogu talo galay qoysaska haysta caruur ka yar 5 sanno. Mashruucaasi wuu socdaa ilaa hadda.
8. Xukuumadu waxay Gaadhsiisay Dadkii Abaaraha iyo Biyo La’aantu soo food-saartay Booyado Biyo ah oo dhan 24,600 oo booyadood.
9. Xukuumaddu waxay hirgalisay oo ay qoday 30 Dhaam oo waawayn, oo ay ka hirgalisay Dhamaan Gobolada Dalka oo dhan, si loo yareeyo biyo la’aanta.
10. Xukuumaddu waxay hirgalisay 41 Ceel oo Riigag ah oo dhaadheer iyo Lix gaagaaban si loo yareeyo biyo yaraanta Deegaamada Somaliland.
11. Waxaa kale oo la dayartiray 60 ceel iyo 20 Dhaam.
12. Waxaa lagu tababaray Dastuurka JSL Muwaadiniin gaadhaya 34,000 oo Muwaadin.
13. Waxaa la kordhiyaya 30% Mushaharka Ciidamada Qalabka Sida, si loo dhiirigaliyo korna loogu Qaado Ciidamada Qalabka Sida.
14. Waxaa la abuuray lana hirgaliyay Nidaam dhaqaale oo degan si aan Muwaadiniinta ku wada nool dalkan JSL aanu u noqon Dabaqado nololeed oo kala sareeya.
15. Wukuumadu waxay  abuurtay lana hirgalinayaa in Shirkaduhu ay Shaqaalahooda iyo Mashaariicdoodaba si cadaalad ah u maamulaan sida xukuumada oo kale.
16. Xukuumadu waxay taariikhda markii ugu horaysay ay kab Miisaaniyadeed siisay 101 Degmo oo dalka oo dhan ah.
17. Xukuumadu iyadoo dhiirigalinaysa inaanay Dadka ay awoodooda dhaqaale hoosayso ay awoodaan inaanay Maciishadu iyo Cuntada Quutal daruuriga ahi qaali ku noqon waxay hoos u dhigtay 10% Cashuurtii Maciishada iyo Quutal-daruuriga.
18. Waxaa la hir-galiyay Dhismaha Madaarka Ber-bera oo imika Diyaar ah.
19. Hirgalinta Dhismaha Aaga Ganacsiga ka caagan.
20. Balanqaadka bilawga wadada Lawya-cado ilaa Boorame.
21. Balanqaadka Dhismaha wadada Burco ilaa Laalays
22. Balanqaadka Dhismaha Wadada Maydh ilaa Ceerigaabo.
23. Hirgalinta Dhismayaasha 54 Dugsi, iyo Dayactirka Dugsiyo dhan 24 Dugsi.
24. Xukuumadu waxay hirgalisay in Wax-barasho Dibadedd loo diro 4,700 arday.
25.Xukuumadu waxay hirgalisay inay 10% bilash looga dhigo ardayda danyarta ee Jaamacadaha Dawlada dhigta. Kuwa gaarka loo leeyahayna 12%
26. Cisbitaaladu waxay adeeg Caafimaad u fidiyeen dad Gaadhay 1,535,000 oo qof.
27. Xukuumaddu waxay hirgalisay Doorashii isku sidkanayd ee Golayaasha Wakiikada iyo Deegaanka oo ay ku baxday Kharash gaadhay $21,000,000.
28. Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay qabato Doorashooyinka Xisbiyadda Cusub iyo Doorasha Madaxtooyada iyadoo Dastuurka loo raacayo.
29. Xoojinta iyo adkaynta Amniga oo Miisaaniyaddii ugu badnayd ku baxday.
30. Xukuumadu waxay Adeeg Caafimaad u fidisay oo ay dawaysay 3 Million oo Neef .
31. Hirgalinta Kor u qaadida dublamaasiyadda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah, waxaana Kamid ah , abuurista Xidhiidhka Cusub ee Maraykanka, Furista Xafiiska Kenya ee Hargeysa ku yaal, xoojinta iyo adkaynta Xidhiidhka Taiwan, Adkaynya Xidhiidhka Djibouti iyo Ethiopia.