Muqdisho: Tirada murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo sii laba jibbaarantay

32 murashax Farmaajo ku jiro oo ilaa hadda qaatay shahaadada murashaxnimo iyo tirada oo la filayo inay sii korodho berri

Muqdisho  – (Berberanews)-Tirada murashaxiinta u taagan tartanka doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya, ayaa sii laba jibbaarantay maalintii labaad, kadib markii 22 murashax kale oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo la siiyey shahaadada murashaxnimo maanta.

Murashaxiinta maalintii labaad qaatay sharciyadda murashaxnimo maanta, ayaa tirada xubnaha ilaa hadda isu diiwaangeliyey tartanka doorashada Madaxweynaha maamulka Muqdisho ka dhigaysa 32 murashax, kuwaas oo midkood tahay haweenay dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, balse safka hore kaga jirta siyaasiyiinta dhuuni-raacyada aan cidna metelin ee xilalka iyo xaabka u doontay Soomaaliya.

Tirada musharraxiinta faraha badan ee u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la filayaa inay sii korodho berri Arbacada oo ah maalinta u dambaysa ee loo qoondeeyey diiwaangelinta xubnaha doonaya inay u tartamaan kursiga Madaxtooyada Villa Somalia.
Magacyada 22ka murashax ee shahaadada la siiyey maanta waxa ay kala yihiin, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Mukhtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys, Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi, Nucmaan Sheekh Cumar, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Xuseen Cabdi Nuurow, Cabdiqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn, Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Cabdillaahi Axmed Cali Gees, Cabdi Aadan Hoosow, Cabdi Maxamed Baqdaadi, Abuukar Aadan Cabdulle iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah haweenayda keliya ee ku jirta 32 murashax ee ilaa hadda isu diiwaangeliyey tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo u muuqata mid si adag loogu loollami doono.
Sidoo kale, shalay oo ahayd maalintii koowaad diiwaangelinta musharraxiinta waxa la diiwaangeliyey 10 murashax oo kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdillaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.
Tirada murashaxiinta isku diiwaangeliyey tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya maanta iyo shalay oo gaadhaya 32 xubnood, ayaa midkiiba laga qaaday lacag dhan $40,000 doollar, iyada oo wadarta guud ee lacagaha laga shubay tartamayaasha ilaa hadda isdiiwaangeliyey ka dhigaysa hal milyan, laba boqol iyo siddeetan kun oo doolar.
Diiwaangalinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya, ayaa ku eg 04:00 galabnimo ee berri Arbacada sida ay shaaciyeen guddiga doorashadu, iyadoo lagu wado in doorashada madaxweynuhu dhacdo 15-ka bishan May oo ku beegan toddobaadka soo socda.