Maxkamadda Ciidammada Somaliland oo dil ku xukuntay sarkaal toogasho ku dilay gabadh

Hargeysa  -(Berberanews)-Maxkamadda Ciidanka Millatariga Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa dil toogasho ah ku xukuntay maanta gacan-ku-dhiigle Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka, kaas oo magaalada Hargeysa ku dilay dhowaan gabadh dhallinyaro aroosad ahayd oo la odhan jiray Najma Cabdillaahi Maykal.
Ehelada marxuumad Najma Maykal oo aan weli la aasin, ayaa maalmihii u dambeeyey codsanayey in sharciga iyo caddaaladda la marsiyo sarkaalka gacan-ku-dhiiglaha ah ee gabadhooda sabab la’aanta toogashada ugu dilay.
Maxkamadda Ciidammada Qalabka-sida oo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday dhegaysiga dacwadda dilka ah ee lagu helay sarkaalka ka tirsanaa Millateriga Somaliland, ayaa qaraarisay maanta dil toogasho ah oo la fulin doono Kornayl Saalax Bullaale, kadib markii ay ku caddaatay inuu si badheedh ah u dilay marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal horraantii toddobaadkan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com