India: Xiisad ka dhalatay ilmo naafo ah oo shirkad diyaareed diiday inay qaado

India-(Berberanews)-Wasiirka duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in uu baadhayo shirkad maxali ah kadib markii la sheegay in ay u diiday wiil dhalinyaro ah oo naafo ah in uu raaco diyaarada.

Shaqaalaha shirkadda ayaa u sheegay waalidka wiilkan in uu khatar ku yahay rakaabka kale.

Dhacdadan ayaa dhalisay cadho baahsan iyadoo dad badan ay shirkadda diyaaradaha ugu yeedheen dhaqan takoor.

IndiGo waa ay diiday eedeymaha, iyadoo sheegtay inay ku faanto inay tahay shirkad loo dhan yahay.

Wasiirka duulista Jyotiraditya Scindia ayaa isniintii balan qaaday “tallaabo ku haboon” isagoo sheegay in uu shakhsi ahaan u baadhayo dhacdada.

“Ma jirto wax dulqaad ah oo loo qabo hab-dhaqanka noocaas ah, ma aha in qof bini’aadam ahi uu arrintan maro,” ayuu ku soo qoray Twitter.

Sidoo kale Agaasinka Guud ee Duulista Hawada (DGCA) ayaa isna warbixin ka dalbaday shirkadda.

Dhacdadan oo Sabtidii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Ranchi, ayaa soo shaac baxday ka dib markii mid ka mid ah rakaabkii la socday oo lagu magacaabo Manisha Gupta, uu Facebook-ga wax kaga qoray.

Ms Gupta ayaa sheegtay in ka hor duulimaadka, uu wiilka yari u muuqday mid murugeysan: “Waqtigii uu soo maray baaritaanka amniga oo uu soo gaashay albaabka (ku dhawaad ​​saacad ka hor inta aan la fuulin), wuxuu u muuqday inuu ku jiro gaajo, harraad, walaac iyo jahawareer.”

Laakiin markii shaqaalaha IndiGo ay arkeen, waxay sheegtay inay uga digeen waalidiinta inaysan u ogolaan doonin inay fuulaan, “haddii ilmuhu aanu aamusin oo aanu noqon ‘caadi'”.