“Dhowr iyo afartan waddan oo Afrikan ah ayaanu codsiyo u dirnay” Madaxweyne Biixi

Hargeysa -(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dadaal badan galisay xoojinta siyaasada arrimaha dibadda Somaliland, isla markaana guulo laga gaadhay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in sannadkii hore uu ahaa sannad ay Somaliland gaadhay guulo badan oo siyaasadeed, isla markaana ay xukuumadiisu dadaal badan galisay sidii dowlado badan oo caalam ka ah loo gaadhsiin lahaa qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Sannadkii dhamaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh siyaasada arrimaha dibaadda Somaliland, waxaana raacay dadaal badan oo ay xukuumadu galisay iyo in ay qaranka Somaliland usuu bandhigto dowlado badan oo adduunka ah, taasi oo keentay natiijo wax ku ool ah”.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siinayso waddamada qaarada Afrika, isla markaana ay in kabadan afartan dal oo Afrika ku yaala ka codsadeen in ay ka caawiyaan sidii qadiyada madax bannaanida loo horgayn lahaa golaha Midowga Afrika.

Waxaanu yidhi.”Afrika dhowr iyo afartan dal ayaanu gaadhsiinay codsiyo ah in ay Somaliland ka caawiyaan sidii qadiyada qaranimada Somaliland loo gaadhsiin lahaa golaha Midowga Afrika”

Waxa kale, oo uu sheegay in ay sidoo kale dadaal badan galiyeen sidii fartiinta Somaliland loo gaadhsiin lahaa waddamada Carabta.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay xoojiyeen xidhiidhka waddamada jaarka, isla markaana ay  abuureen guddiyo wasiiro ah oo ka shaqaynaya horumarinta xidhiidhka jaarka.

Waxa uu intaas ku daray in natiijooyinka ka dhashay safarkisii Maraykanka dhawaan la arki doono.