Dagaal culus oo dhexmaray ciidammada Eritrea iyo dagaalyahannada TPLF

Asmara -(Berberanews)-Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammada dalka Eritrea iyo xoogagga fallaagada Gobolka Tigray ee galbeedka waddanka Itoobiya, ayaa ka dhacay degaanno ku yaal xuduudka labada dal maanta, sida ay ilo-wareedyo la isku hallayn karo BBC-da u sheegeen.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay degaannada Rama iyo dhulka lagu muransan yahay ee Badme oo ku yaalla gudaha xadka Eritrea.

Wararka ayaa tibaaxay in labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa culus oo ay ka mid yihiin madaafiic.

Dawladda Eritrea iyo fallaagada Tigray, ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan dagaallo kale oo ka dhaca degaannada lagu muransan yahay.