Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Burco

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Wasiir Kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose Naasir Caydiid Maxamed ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Gobolka Togdheer ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafoqo), Maayar Magaalada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi iyo Maayorka Kuxigeenka Muqtaar Baaryare.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd dardar gelinta shaqada maamulka Dawlada Hoose ee Burco iyo wada shaqaynta laamaha dawlada ee Gobolka, iyada oo diirada la saarayo kor u qaadista adeegyada aas-aasiga ah ee Magaalada Burco iyo guud ahaanba Gobolka Togdheer.