Siyaasada arrimaha dibeda iyo Musharax Siciid Cabdullaahi Deni

Musharax Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni waxa uu diyaarsaday qorshe dhamaystiran iyo hanaan wacan oo xidhiidh iyo wada shaqayn lagula samayn karo dawladaha adduunka. Nidaamkaas oo ah mid casri ah oo haatan ay dunidu ku wada macaamisho.

Siciid Deni maadama oo uu yahay aqoonyahan wax ku soo bartay wadamada horumaray wuxuu waayo aragnimo dheer u leeyahay Diploomaasiyada iyo hababka xidhiidh lagula samayn karo dawladaha waawayn kwaas oo laga heli karo taageero dhaqaale iyo mid farsamo. Waana wax uu dheer yahay musharaxiinta kale ee u taagan jagada Madaxweynaha Somaliya.

Dawladaha jaarka iyo kuwa fogfog oo intuba u heelan in ay helaan hogaamiye la fahmi kara qaabka ay u rabaan in ay ula macaamilaan somaliya, ayaa mudo dheer ay ku adkaatay in ay helaan shaqsi somaliyeed oo hogaanka u qabtay somaliya isla markaana ay ka muuqato wadaniyad dhab ahi.

Musharax Siciid Cabdulaahi Deni, oo ah waayo arag iyo diblomaasi ruug cadaa ah waxa qorshihiisa qaybta labaad u ah xidhiidhka iyo wada shaqaynta Beesha Caalamka, taas oo aanu jirin ilaa hada hogaamiye ku dhiiraday in uu keeno qorshe uu kula shaqayn karo beesha caaalamka iyo dawladaha jaarka ah.

Baarlamaanka Somaliya waa in ay eegaan qorshayaasha ay wataan musharixiinta u tartamaaya Madaxweynaha somaliya oo ay ku qiimeeyaan Aqoontiisa iyo Barnaamijka siyaasadeed ee uu rabo in u dalka k hogaamiyo mudada la doortay.