Boqorka Sacuudiga oo xaaladiisa caafimaad Cusbitaal u galay

Saudi-(Berberanews)-Boqorka Sacuudi Carabiya oo da’ ah ayaa la dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Jeddah ee ku taal badda cas si uu baadhitaan caafimaad ugu maro toddobaadyo ka dib markii la beddelay baytarigii qalabka garaaca wadnaha.

Warbixin lagu daabacay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah Axaddii, ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaaladda Boqor Salmaan iyo nooca baadhitaannada.
Waxa la sheegay in boqorka oo 86 jir ah la dhigay cisbitaalka taqasuska ah ee Boqor Faysal.

“Ilaahay ha xifdiyo masuulka labada masaajid ee barakeysan, caafimaadna ha ku raaxaysto” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay qasriga boqortooyada.

Horraantii sanadkan, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Boqor Salmaan la dhigay isbitaal ku yaalla caasimadda Riyaad si loogu beddelo baytariga garaaca wadnaha.

Sannadkii 2020, waxa uu maray qaliin lagaga saaray xameetida ka dib muddo uu cisbitaalka ku jiray oo soo noolaysay mala-awaal ku saabsan xaaladda caafimaadkiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa guud ahaan dooneysay inay damiso wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan caafimaadka boqorkooda, kaasoo xukumayay dhaqaalaha ugu weyn dunida Carabta tan iyo 2015-kii.

Boqor Salmaan ayaa markii uu fuulay boqortooyada waxa uu u magacaabay wiilkiisa dhaxal-sugaha ah Maxamed Bin Salmaan oo 36 jir ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale mar hore awood u siiyay Amiir Mohammed inuu hogaamiyo hawl maalmeedka boqortooyada.

Tan iyo markii uu sare u qaaday xukunka, Amiir Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan MBS, waxa uu Sacuudi Carabiya ku kordhiyey dib u habayn bulsho, dhinacna uga saaray kooxaha ay xafiiltamaan ee boqortooyadu, oo uu la dagaallamo kuwa loo arko inay ka soo horjeedaan.

Sida uu xukunkiisa ku jirtay, awooda khaliijku waxa ay bilaawday dib u habayn dhaqaale oo hami leh oo lagu samaynayo waayihii saliida ka dib oo xuquuq badan la siiyay haweenka, iyaga oo qaatay siyaasad dibadeed oo adag – oo ay ku jirto in ay galaan dagaalka Yemen.