Ra’iisal-wasaaraha UK iyo xisbigiisa oo guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinka

LONDON -(Berberanews)- Xisbiga Conservative-ka ee hoggaaminayo Ra’iisal-wasaaraha dalka Britain Mr Boris Johnson, ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinka dawladaha hoose oo dalkaas ka dhacay Khamiistii shalay, kadib markii mucaaradku kaga adkaadeen xaafado uu ku xoogganaa oo ka mid ah caasimadda London iyo qaybaha kale ee waddanka.

Natiijooyinka horudhaca ah ee codbixinta doorashooyinkii shalay, ayaa muujinaya in Ra’iisal-wasaare Johnson iyo xisbigiisu lumiyeen taageeradii koonfurta bari ee magaalada London, haseyeeshee taageerayaashiisa ayaa si degdeg ah u sheegay maanta in aan la joogin xilligii la samayn lahaa isbeddel hoggaamiye.

Xisbiga Conservative-ka ayaa lagaga adkaaday degmada Wandsworth oo ka mid ah caasimadda London oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxa kaloo ay lumiyeen degmada Barnet oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii, marka laga reebo laba doorasho.
Xisbiga Labour-ka, ayaa sidoo kale markii ugu horreysay taariikhda ku guuleystay Golaha Degaanka Westminster oo ah degmada ay ku yaallaan inta badan xafiisyada dawladda Ingiriiska.

“Natiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, i rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimi doorashadii 2019kii.” Sidaa waxa yidhi hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Mr Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London xalay.
Natiijada rasmiga ah ee doorashada degaannada oo soo baxaysa xilli dambe oo Jimcaha maanta ah, ayaa muuqaal muhiim ah ka bixin doonta aragtida shacabka tan iyo markii xisbiga Conservative-ka ee talada dalka Ingiriiska haya uu 2019-kii ku guuleystay aqlabiyaddii ugu badnayd muddo 30 sanno ah.
Sidoo kale, codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.
Boris Johnson waxa bishii la soo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qaybgalay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dawladdu soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.
Guuldarrooyinka golayaasha degaanka London oo inta badan laga sifeeyey xisbiga Conservative-ka, ayaa cadaadiska ku kordhin doona Ra’iisal-wasaare Johnson oo muddo bilooyin ah dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.
Doorashooyinkii dhacay Khamiistii ayaa go’aan ka gaadhi doona maamulka in ka badan 7,000 xubnood goleyaal degaan ah, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla London, Scotland iyo Wales iyo saddex meelood meel England.