“Cigaal lacagtan hadda ina wareerisay  waraaqaha cadcad isaga ugama duwanayn.”Cabdillaahi Darawal

Hargeysa-(Berberanews)-Siyaasi Cabdillaahi Darawal, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha uu uga soo joogay Madaxweynihii hore ee Sonaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo shakhsiyaddiisii qof ahaanneed.
“Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wiil uu dhalay ayaa shidaal dalka keenay. Isagaa lahaa shidaalka inanku. Waxa  maqlay Madaxweyne Cigaal, intuu shidaakii ka qaaday ayuu Ciidanka Qaranka ku wareejiyey.
Markii inankii odayaal u diray aabbihii ee yidhi Odayga igala hadla wuxuu Madaxweyne Cigaal ku yidhi; “Waar meeshan (Somaliland) aniga ayaa ka shaqeeya ee meesha laba nin oo is dhalay ka wada shaqayn mayaan, markaa inanku ha shaqo tago. Cigaal lacagtan hadda ina wareerisay ee aynu raadinayno waraaqaha cadcad isaga ugama duwanayn.” Sidaa waxa uu ka sheegay Cabdillaahi Dirawal Xaflad ballaadhan oo lagu xusay 20-guurada geeridii Madaxweyne Cigaal oo ka socota Maansoor Hotel caawa.