Siciid Deni: Hoggaamiyaha kaliya ee  hanaan Dawladnimo u samayn kara Somalia

WQ Maxamed Jamaal
Musharax Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo haatan u taagan in uu u tartamo jagada Madaxweynaha Somaliya, ayaa lagu tilmaamay in uu yahay nin qunyar socod ah oo horumarin kara siyaasada somaliya.

Siciid Deni oo  waxa uu sameeyay horumar balaadhan mudadii u hayay madaxtinimada Puntland, waxanu dib u habayn balaadhan ku sameeyay nidaamka maamul ee dawlad Goboleedka Puntland.  Waxa uu ku guulaystay in uu nidaam u sameeyay is dhex yaacii ka jiray maamulka Puntland, taas oo aanay ku dhiiranin ragii isaga ka horeeyay ee soo qabtay Madaxtinimada Puntland,  waxa uu sameeyay Haykal Maamul Dawladnimo, kuwaas oo la taaban karo, waxa uu dhisay ciidanka Puntland, isago ku sameeyay tirakoob ay bil walba ku helaan Mushaharkooda oo aad  u  badan, waxa sido kale u tirakoob ku sameeyay dhamaan shaqaaalaha kala duwan ee Hay`adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee dawlada puntland.

Siciid Deni Mudadii uu hayay hogaanka Puntland waxa uu ku talaabsaday horumar balaadhan oo laga hirgeliyay guud ahaan dalka, iyada oo dhismayaal cusub oo dawlad leeday laga hirgeliyay gobolada iyo degmooyinka dalka.

Talaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Siciid Deni waxa ay noqdeen kuwo ay ku farxaan shacabka reer Puntland.

Imika iyo haatan Siciid Deni, wuxu u taagan yahay in uu noqdo madaxweynaha somaliya si uu somaliya u gaadhsiiyo hanaan dawladnimo, maadama hore loog soo tijaabiyay Dawlad Goboleedka Puntland,  indhaha shacabkana tusay in uu wax ka bedeli karo dawladnimada,  taas oo tusaale u ah bulshada somaliyeed.

Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Somaliya waxa la gudboon in ay doortaan codkoodana siiyaan Siciid Deni, si uu dhibaatada uga saaro bulshada somaliyeed. Halkii doorkana la odhan lahaa aynu tijaabino Madaxweyne Cusub miyaanay ka haboonayn in la doorto Hogaamiye hore loo soo tijaabiyay kaas oo la arkay hanaankii fiicnaa ee uu u maamulay dawlad Goboleedka Puntland.

Siciid Deni waxa uu wataa Tusaale Nool, oo ay  markhaati ka yihiin bulshada somaliyeed, lagamana cabsi qabo in uu dawlada somaliya gaadhsiin doono fagaarayaasha caalamka ee ay ka maqnayd mudada dheer.