Musharaxa Madaxweyne ee Somaliya Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle, waa aqoonyahan wax badan kala socda siyaasada guud ee somaliya, sido kalena si dhow ula socday waayihii kala duwanaa ee la soo maray mudadii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee somaliya
In kasta oo ay colaado soo jireen ah, haddana Somaliya waxay samaysay horumar la taaban karo tobankii sano ee la soo dhaafay. Waxaa la xoojiyay hay’adihii Qaranka, waxaana la adkeeyay dhulkii laga xoreeyay kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxaana dib loo dhisay ciidamada nabadsugidda Qaranka. Guulahaasi waxay xaqiijiyeen in masuuliyiinta qaranku ay awood u yeeshaan in ay awood dawladeed gaadhsiiyaan meelaha la xoreeyay, fududaynta Gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta adeeg bixinta. Dawladihii kala dambeeyay waxay sidoo kale horumar ka gaadheen hababka deyn cafinta iyo soo kabashada dhaqaalaha, waxanay ka shaqeeyeen soo celinta sumcadda caalamiga ah ee dalka. Dad badan ayaa si cad uga walaacsanaa markii millatariga Maraykanku uu si lama filaan ah ula baxay 700 oo ka mid ah shaqaalaha tababarka iyo taakulaynta ciidamada Soomaaliya, taas oo laga yaabo in ay abuurto dayacnaan xagga amniga ah oo lagula dagaalamo argagixisada.
Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdule waxa uu diyaariyay qorshe dhamaystiran oo uu rabo in u ku hogaamiyo dalka hadii uu ku guulaysto jagada Madaxweynaha Somaliya, waxanay somaliya la jaan qaadi doontaa caalamka, iyada qorshaha guud ee uu wato ay bud dhig u tahay dib u heshiisiin balaadhan oo dalka somaliya laga sameeyo, si loo helo nabad buuxda isla markaana dadka somaliyeed ay u noqdaan kuwo gacmaha is qabsada oo u diyaar garooba horumar balaadhan, iyaga oo gacan buuxda ka helaaya dawlada Dhexe.
Caqabadaha jira ayaa inta badan waxaa sabab u ah aragti la’aanta guud ee go’aamin karta wadadii loo mari lahaa Soomaaliya, iyadoo hay’adaha iyo madaxda leh aragtiyo iyo habab ay iska soo horjeedaan ay weli ku hirdamayaan talada dalka. Iyada oo lagu jiro meertada siyaasadeed ee curyaamisay, himilooyinka shakhsi ahaaneed iyo awoodda aan la xakamayn ee heer federaal iyo heer Dawlad goboleed ayaa weli ku sii xoogaysanaya ixtiraamka iyo saraynta sharciga, maamulka Dastuuriga ah, iyo xeerarka Dimuqraadiga ah.
Himiladii shacabka Soomaaliyeed ee nabadda, Horumarka, iyo Dimoqraadiyadda ayaa ah mid la duudsiyay, iyadoo la aamusiyay codkooda digniinta iyo diidmada ah. Taasina waxay xoojinaysaa qorshaha burburinta ah iyo khilaafyada siyaasadeed iyo kacdoonnada rabshadaha wata ee salka ku haya Doorashada
Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdule, isaga oo maanka ku haya talaabooyinka aan la mahadin ee aanay bulshada somaliyeedna jeclayn. Waxa uu bedeli doonaa waxkasta oo caqabad ku ah hanaanka dawladnimo iyo doorashooyinka dalka, waxanu qaban ku qaban doonaa markasta doorashada waqtigeeda si uu uga fogaado fowdo hor leh iyo dib u dhac dawladnimo
Sidaasi daraadeed waa fursad iyo jaanis usoo baxay dawladnimadii iyo shacabkii somaliyeed ee mar uun sugaayay nimaad dawladeed oo ka fog shaadh qabiil iyo kooxaysi
W/Qoray. Warsame Omar. Hargeisa