Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyey

MUQDISHO —(Berberanews)-Guddiga Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey xilliga ay dhacayso doorashada doorashada madaxweynenimada oo loo asteeyey 15ka bishan May.

Kulankoodii ugu horreeyey oo guddigu ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho maanta, waxa ay ku sheegeen in toban maalmood kadib oo ku beegan 15ka bishan la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya waqtigeedii dib uga dhacday in ka badan 15 bilood.

Muddo-xileedkii sharciga ahas madaxweyne Farmaajo, ayaa  dhammaaday bishii February ee sannadkii 2021, taas oo ka dhigan inuu muddo sannad iyo badh ah sharci-darro ku fadhiyo Madaxtooyada Villa Somalia.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee loo muddeeyey badhtamaha bishan waxa u taagan oo ku tartami doona in ka badan 20 musharrax oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisal wasaareyaal hore oo doonaya inay xilka kala wareegaan Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi ayaan weli si rasmi ah u caddayn inuu markale sharraxan yahay, inkasta oo aad loo rumaysan yahay inuu mar kale tartami doono, kadib in ka badan 5 sanno oo uu joogay xafiiska Villa Somalia.
Dhinaca kale, Guddida Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa doortay hoggaan cusub.
Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa ku guulaystay xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya, kadib cod xubnaha guddigu u qaadeen.
Senator Cabdiqandi ayaa helay 10 cod, halka laba musharrax oo xilkaas kula tartamay ay kala heleen xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo helay 5 cod iyo Senator Cabdi ismaaciil Samatar oo laba cod helay.
Sidoo kale, Guddiga ayaa xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed ugu doortay 9 cod xilka guddoomiye-ku-xigeenka, halka xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimuu oo la tartamayna uu helay 7 cod.