Axmed Karaash oo xilalka ka qaaday wasiirradii ugu awoodda badnaa Puntland

Garoowe-(Berberanews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Mr Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xilalka ka qaaday wasiirradii ugu awoodda badnaa maamulkaas ee Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Amniga, kuwaas oo uu ku beddelay xubno cusub.
Saddexda wasiir ee xilalka laga qaaday, ayaa saaxiibbo dhow la ah  madaxweyne Siciid Deni oo hadda sugan magaalada Muqdisho, isla markaana khilaaf maamul oo aad u cakiran u dhexeeyo madaxweyne-ku-xigeenkiisa.
Wareegtooyin Axmed Karaash soo saaray maanta, waxa uu xilalka kaga xayuubiyey wasiirradii awoodda badnaa ee Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Mr Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo uu ku beddelay Cabdiqani Xaashi Bumbo, Wasiirkii Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, waxaannu xilkaas u magacaabay Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaawiido) iyo Wasiirkii Amniga Cabdisamad Gallan, waxana lagu beddelay Axmed Xaaji Ibraahim Bakiin.
Xil-ka-qaadista magacaabista Axmed Karaash ku sameeyey wasiirradii tunka weynaa ee Puntland, ayaa ku soo beegantay xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka ka dhex oogan labada masuul ee ugu sarreeya maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo haatan ku sugan xaalad hubanti la’aan siyaasadeed ah.
Tallaabadan ayaa laga yaabaa in madaxweyne Deni oo waqtigan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu ka wado ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu dhowaan isku sharraxay ay ku khasabto inuu si degdeg ah ugu laabto xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, si uu uga hortago awood-maroorsiga Axmed Karaash ku inqilaabay.