Aabbaha gabadh sarkaal ciidan ku dilay Hargeysa oo baaq u diray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa  -(Berberanews)-Cadillaahi Maxamed Cali oo ah aabbaha dhalay marxuumad la odhan jiray Najma oo ahayd gabadh arooskeedu dhowaan dhici lahaa oo askari ka tirsan ciidanka Booliiska Somaliland ku dhex toogtay badhtamaha magaalada Hargeysa toddobaadkan, ayaa baaq uu ku dalbanayo caddaalad u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo aabbo Cabdillaahi Maxamed uu sheegay in Taliyaha Laanta Dembi-baadhista Booliska CID-du uu kiiska dilka gabadhiisa ku wareejiyey Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland, maadaama ninka dilay uu yahay sarkaal sare oo ciidan.

Marxuumad Najma Cabdillaahi oo ahayd 22 jir, waxa ay ka shaqaynaysay Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, waxayna xoghayn u ahayd Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas.