Sucuudiga oo markii ugu horreysay oggolaaday Baasaaboorka Somaliland

Jeddah -(Berberanews)-Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa markii ugu horreysay oggolaatay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan nooca loo yaqaan Diplomatic Passaport oo haatan si rasmi ah loogu dhoofi karo.
Diblomaasiyiinta iyo madaxda dawladda Somaliland ka socda ee Sucuudiga u safray ayaa loogu dhuftay shaambadda aqbaaladda gelitaanka Sucuudiga baasaboorrada Somaliland ee diblomaasiga ah markii ay ka dageen Madaarka Boqor Cabdicasiis ee caasimadda labaad ee Sucuudiga ee Jeddah.
Somaliland Diplomatic Passport ayey dawladda Sucuudigu u tixgalisay si la mid ah kuwa dalalka ay jaarka la tahay ee Muslimiinta ah ee ay ka mid yihiin Soomaliya iyo Jabuuti.
Waa markii ugu horreysay abid ee baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland lagu galo Sucuudiga, halkii awal looga baahanayn in aad isticmaasho basaboor kale.
Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi, ayaa muddada ay xilka haysay waxay tacab badan gelisay sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha baasaboorka Somaliland iyo qarinnamadeedana loo gaadhsiin lahaa dalalka calaamka.
Hoos waxa ku sawiran Baasaboorka diblomaasiga ah ee Somaliland oo la saaray gelitaanka Sucuudiga ee madaarka Boqor Cabdicasiis ee magaalada Jeddah.