Somaliland: Askari dilay gabadh aroosad ahayd iyo waalidkeed oo ka hadlay sidii dilku u dhacay

Hargeysa -(Berberanews)-Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland oo loo haysto inuu toogasho ku dilay haweenay da’ yar oo aroosad ahayd xalay.
Cadillaahi Maxamed Cali oo ah marxuumad Najma aabbaheed oo BBC-du la hadashay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu dhacay dilka gabadhiisa. Wuxuu sheegay in iyada oo saaran gaadhi uu askarigu xabbad madaxa kaga dhuftay.
“Waxa u yimi gaadhi alaab u siday oo waddada ku siinayey, kaddib ninka askariga ah ayaa guriga kaga soo baxay oo xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yidhi ‘ka dhaqaaq meesha’ sida la igu yidhi, deetana wuu dhaafay oo waxay ku tidhi ‘gaadhiga ayaan alaab kale ka qaadanayaa’,” ayuu yidhi aabbo Cabdillaahi.
Waxa uu intaas ku daray in inanta iyo walaalaheed ay ka soo noqdeen guriga habaryarteed oo ay ku soo wada ciideen. Sida uu tilmaamay, soo-noqoshadooda qoysku wuxuu isu qaybiyey laba; koox waxay soo raacday tagsi, kooxda kalena Najma ayaa soo qaadaysay.
Sababta dilka:
Cabdillaahi oo la waydiiyey waxa ka jira warar sheegaya in askarigu gabadhiisa u dilay hiil, waxa uu yidhi; “Waxa uu u dilay hiil uu walaashii u hiillinayey kaddib markii ay gabadheyda dagaallameen.”
Aabbo Cabdillaahi ayaa sheegay inuu doonayo in sharciga la waafajiyo oo tallaabo laga qaado ninka dilkay inantiisa.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyey oo laga duubay Najma aabbaheed oo cadhaysan ayey dad badan ka fal celiyeen.
Dhinaca kale, Cabdillaahi ayaa sheegay in walaalkeed oo la socday marxuumadda uu xabbad dul mariyey, balse haatan gacanta lagu hayo gacan-ku-dhiiglaha oo uu xusay in ciidammada ammaanku ku qabteen meel ku dhow xarunta Dab-damiska, kadib markii uu ka baxsaday goobta uu gabadhiisa ku dilay.
BBC-da oo la xidhiidhay booliska Somaliland, ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku hayaan ninka dilka geystay oo ka tirsan ciidammada, baadhitaanna ku socdo, kaddibna maxkamadda loo gudbin doono.
Ugu dambayn, aabbaha marxuumad Najma ayaa ciidammada booliska iyo Laanta Dembi-baadhista uga mahad-celiyey sida wanaagsan ee ay ula macaamileen dhacda dilka gabadhiisa.
Waa tuma marxuumad Najma Cabdillaahi?
Sida aabbaheed sheegay marxuumad Najma waxay dhalatay sannadkii 2000, waxayna ka mid ahayd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xoghayn u ahayd Agaasimaha Guud.
Allaah ha u naxariistee Najma Cabdillaahi oo aan weli la aasin waxa ay bil ka hor ku aqal-gashay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna Hargeysa dib ugu laabatay bishii Ramaadaan ee dhammaatay.