Farmaajo iyo Rooble oo markale soo saaray amarro is-diiddan

MUQDISHO —(Berberanees)-Madaxweynaha Soomaaliya Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xeer uu soo saaray ku baabi’iyey magaacis iyo shaqa joojin uu Ra’iisal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey masuuliyiin ka tirsan laamaha dawladda.

Wareegto ka soo baxday Villa Soomaaliya xalay, ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay dhammaan tallaabooyinkii maamul ee uu qaaday Rooble wixii ka dambeeyey 14kii April 2022 oo ah maalintii la dhammaystiray doorashada shirguddoonnada labada gole baarlamaan ee Soomaaliya.