Maayar Mooge: Isma casili doono ilaa iyo dhamaadka

Hargeysa-(Berberanews)-Maayarka Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa markii u horraysay daboolka ka qaaday inay hagardaamo ku hayaan shaqadiisa Wasiirro ka tirsan Dowladda Somaliland.

Maayar Mooge, waxa uu si gaara farta ugu fiiqay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka Cabbdillaahi Abokor Cismaan.

Maayar Mooge waxa uu sheegay in loo dan leeyahay hagardaammada dadka danyarta ah ee hantidoodu ku burburtay suuqa Waaheen, isaguna aanu iscasili doonin ilaa dhammaadka.

Maayar Mooge wuxuu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Shaqada dawlada hoose ee caasimada jamhuuriyada Somaliland waxa lala hortaagan yahay hadh iyo habeen hagardaameyn joogta ah.. balaayo kale oo meel kale inagaga timina maaha ee waa wasiiradii ka tirsanaa xukuumada oo uu ugu horeeyo ninka lagu magacaabo wasiir Cabdiklaahi abokor .
Umada reer hargeisa ee igu doortay codkooda waxaan go‘aansaday in aan talaabo talaabo uugu soo bandhigo cid kasta oo hortaagan horumarka caasimada waxa loo hamiyo digleeyahyna waa lugooyada masaakiintii hantidoodu ku Baaba‘day suuqa weyn ee magaalada hargeisa  bari incha allaah ayaan shir jaraa‘id ku faahfaahin doonaa arinkan oo halistiisa le‘
Ismana casilo doono ilaa iyo dhamaadka.!!!”