Al-shabaab oo 59 askari ciidanka Burundi kaga dilay weerar ay ku qaadeen Saldhigga Ceelbaraf

Muqdisho -(Berberanews)-Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo ay ku qaadeen saldhig ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf, Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya subaxnimadii hore ee saaka.
Qoraal lagu baahiyey baraha Internetka ee taageera Al-shabaab, ayaa lagu sheegay inay khasaare aad weyn gaadhsiiyeen ciidammada Midowga Afrika, kadib markii dagaalyahannadoodu weerar xooggan ku qaadeen saldhig ciidanka Burundi ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf subaxnimadii hore ee saaka, isla markaana haatan iyagu gacanta ku hayaan saldhiggaas.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen 59 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

“Aroornimadii hore ee saaka oo Salaasa ah, labada Shawwaal 1443 oo waafaqsan 03 May, 2022, Mujaahidiinta ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga ciidammada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaal xooggan kadib, ciidammada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey saldhiggaas oo ay deganaayeen ciidammada Burundi. Xilligan hadda ah si buuxda ayaan gacanta ugu haya saldhiggaas. Xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 saliibi (askari) lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay,” ayaa lagu yidhi qoraalka Al-shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ilaa ka soo baxay taliska hawlgalka ATMIS iyo dawladda Soomaalya oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay saldhigga ciidanka Burundi ee degaanka Ceelbaraf saaka.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan weerarro la beegsada xarumaha iyo saldhigyada ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dawladda taagta daran ee Soomaaliya.