Siyaasi Maxamuud Xaashi oo farriin u diray bulshada reer Burco

“Burco waxay lahaan jirtay dharaaro, dhexdeeda dhiig ku daato. Haseyeeshee, Burco ma lahaan jirin dharaar kasta gidaar dhalanteed ah oo dhexdeeda yaal. 

Sidaa darteed, reer Burco waxaan leeyahay, iska ilaaliya qoqobka,  qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta.
Nin weyni wuxuu yidhaahdaa waa dardaaran, ee waxaan idinku adkaynayaa in aad noqotaan ul iyo diirkeed. Waxaan idin leeyahay, reer Burcoow noloshu waa tartan if iyo aakhiroba ee iskaashada oo isku duubnaada.
Waar bi’i waaya’e  yaan layna odhan eraygii aynu bayrta ka lahayn ama ka boodi jirnay, ee ahaa  Burco laga badi!”

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi