Madaxweynaha Tunisia oo qorshe uu dub ugu qorayo dastuurka dalka

Tunisia-(Berberanews)-Madaxweynaha Tunisia Kaïs Saïed ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu dib u qoro dastuurka dalkiisa.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda Ciidda oo laga sii daayay taleefishinka, ayuu Mr Saacid, oo kala diray xukuumadda iyo baarlamaanka, sheegay in la dhisi doono guddi dib u habeyn ku sameeya qaab-dhismeedkii jiray, isla markaana ay howshooda ku soo gabagabeyn doonaan maalmo gudahood.

Muu carabaabin sida loo bedeli doono dastuurka, balse wuxuu sheegay in uu keeni doono wax uu ugu yeedhay Jamhuuriyad Cusub.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay inuu doonayo inuu gacantiisa isugu geeyo dhammaan awoodaha tan iyo markii uu xukunka la wareegay sagaal bilood ka hor.

Berberanews.com