Hoggaamiyaha Iran oo cafiyay in ka badan 1500 oo qof

Iran-(Berberanews)-Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cafinaya ama sanadaha xabsiga ka yareynaya maxaabiis dhan 1,542.

Tallaabadan ayuu hogaamiyuhu u sameynayaa xuska gabagabada bisha barakeysan ee Ramadan, sida lagu qoray website-kiisa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa “ogolaaday inuu cafiyo ama sanadaha xukunka kasoo gaabiyo 1,542 qof oo la xukumay”, munaasabba Ciidul Fitiga, taas oo gababo u ah bisha barakaysan, sida fariinta lagu yidhi.

Hogmaaiyaha Sare ayaa si joogta ah u bixiya cafis wadareed, xilliyada fasaxyada diinta, isaga oo ay ka wada shaqeeyaan madaxa caddaaladda ee dalka.

Dalka Iran, maalinta Isniinta maanta a  loo dabbaal-degayaa munaasibada ciidda Fidriga.

Berberanews.com