Guddoomiyaha Baarlamaanka oo amar siiyey taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya

MUQDISHO —(Berbetanews)’Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa isugu yeedhay dhammaan saraakiisha ugu sarreeya ciidammada qalabka sida, isla markaana faray amarro la xidhiidha amniga doorashada madaxweynaha maanta.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Golaha Shacabka, waxa kulankaas diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, qoraalka ayaa saraakiisha ciidanka loogaga digay in aanay ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana uga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalku ka yeelanayo madaxweyne.

Ma cadda waxa ay saraakiisha ciidammadu kaga jawaabi doonaan amarka uu siiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa yimi iyadoo oo la filayo in dhowaan lagu dhawaaqo xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la rajaynayo inay qabsoonto dabayaaqada bishan May .

Doorashooyinka Soomaaliya waxa hore u hadheeyey muranno la xidhiidha amniga, iyada oo ay ugu dambeysay tii guddoonka Golaha Shacabka, oo Taliyaha Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar uu codsaday in dib loo dhigo, balse lagu gacan saydhay.