Findland iyo Sweden oo qarka u saaran ku biirista NATO

Sweden-(Berberanews)-Finland waxaa hubaal ah inay codsan doonto xubinimada NATO, sida ay wasiiradda arrimaha dibadda ee Sweden Ann Linde u sheegtay taleefishinka Sweden Axadii.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine wuxuu ku qasbay labada Swede  iyo deriska bari ee Finland inay dib u eegis ku sameeyaan aaminsanaanta in dhexdhexaadnimada millatari ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo amniga qaranka.

“Waan ognahay in ka badan ama ka yar in iyaga (Finland) ay codsan doonaan xubinnimada NATO. Taasina waxay bedeshaa dheelitirka oo dhan… Haddii mid ka mid ah waddamadeena uu ku biiro, waxaan ognahay in xiisadaha ay sii kordhayaan,” Linde ayaa u sheegtay warbaahinta dadweynaha ee SVT.

Mar la waydiiyay in ay u malaynayso in Finland ay ku biiri doonto NATO, Linde waxay tidhi: “Waxay ila tahay inaad si hubaal ah taas u odhan karto.”

Labadooduba Sweden iyo Finland ayaa la filayaa inay go’aan ka gaadhaan inay ku biiraan xulafada milatariga toddobaadyada soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Finland Pekka Haavisto ayaa jimcihii sheegay in uu rajaynayo in Finland iyo Sweden ay isku mar qaataan go’aamo isku mid ah.