Badhasaabka Maroodi-jeex oo laga badbaadiyey daad Baabuurkiisii qaaday

Gabiley -(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr Maxamed Cilmi, ayaa laga badbaadiyey daad xooggan oo baabuurkiisii ku qaaday dooxa Hulluuq oo mara duleedka degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley caawa.

Badhasaabka, askari ilaalidiisa ah iyo darawalkooda oo sida la sheegay dhaawac fudud gaadhay, ayaa dhammaantood laga badbaadiyey daadka qaaday baabuurka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Dooxa Hulluuq waxa uu ka mid yahay dooxyada ugu halista badan xilli-roobaadka ee ku yaal jidka laamiga ah ee xidhiidhiya magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.