Wasiir Albaani oo haddana war cusub ka soo saaray xilliga laga ciidayo Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-“Berri oo ah Axad soonku waa inoo 29. Marka qorraxdu dhacdo ayeynu eegaynaa dhalashada bisha Shawaal. Haddii la arko waynu ciidaynaa subaxa Isniinta, haddii la arki waayana waxaynu dhammaystiri doonnaa maalinta soddonaad ee bisha Ramadaan, waxana markaas ciidku noqonayaa maalinta Salaasada insha Allaah.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani oo uu khadka telefoonka kula hadlay weriye Khadar Quulle oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Somaliland.