Siyaasi Xaashi: Ummadaha reer galbeedku ma aha gob

Siyaasi Maxamuud Xaashi: “Waxa milgo iyo maamuus weyn ii ah in aan halkan ka hambalyeeyo guddidii qaran ee u xilsaaran gurmadka iyo taakulaynta dadka ku tabaaloobay dabkii suuqa Waaheen. Guddidu waxay muujisay dedaal, daacadnimo, dulqaad, iyo isku duubni. Sidaa darteed, waxay mudan yihiin in la bogaadiyo iyo in aynu boorrinno.
Dhab ahaantii waxa guul iyo gallad weyn ah, in ay kaalmo guddoonsiiyeen dufcaddii labaad dadka ku tabaaloobay Suuqa Waaheen.
Allahayoow maxaa ka run badan, hal-ku-dheggii caanka ahaa ee uu yidhi saynisyahankii reer Masar ee ku guulaystey billadda Nobel Prize-ka 1999 kii ee cilmiga kimisteriga. Dr Axmed Zuweyd

«الغرب ليسوا عباقرة ونحن لسنا أغبياء؛ هم فقط يدعمون الفاشل حتى ينجح، ونحن نحارب الناجح حتى يفشل!» أحمد زويل.

Ummadaha reer galbeedku ma aha gob innaga garaad korran.  Innaguna ma nihin gun liidata, oo aan lahayn garaad badan. Balse faraqa inoo dhexeeyaa, iyagu waxay guubaabiyaan, ama gacan qabtaan kooda guuldarraysta, si uu u guulaysto. Innaguna waxaynu gawdhino, ama gaasirno keena guulaysta, si uu gadaal u noqdo oo u guuldarraysto.”

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.