Madaxweyne waxaan kaala talinayaa inaad maqasho inta talada xun

Anigoo in muddo ah ka gaabsaday gaar ahaan xukuumaddan Muuse Biixi hoggaaminayo inaan wax dhaliil ah ama toosin ah warbaahinta u mariyo marka laga reebo xilliyo aan si gaar ah ugu gudbiyay qoraalo ama warqado aan kagala taliyay dhinacyada dhaqaalaha ama sicir bararka, waxaan maanta qalinka u qaatay Lexo jeclo aan waddankayga ka qabo iyo xaalado xaasaasiya oo geeddi socodka iyo nabadgelyada waddanka wax u dhimi karta oo ii muuqatay.

Madaxweyne waxaynu ku jirnaa waqti aad u xasaasi ah oo hadday wax yari si fudud inooga qaloocdaan wax weyn ina yeeli karta.

• Waxaad ogtahay waddankani inuu cadow badan leeyahay, mid gudaha inala jooga oo hadda inaga qarsoon iyo mid dibadeedba. Waxaynu u baahanay inaynaan fursad siin.

• Waxaad si wacan uga war haysaa xaaladaha geeska ama dalalka jaarkeenna ka socda oo ay dhibkaa badan gaadhsiisay muran sharci iyo muddo korodhsi.

• Waxa baryahan dambe caado xun noqotay xadhiga muwaadiinta oo lagu degdego iyadoon dariiq sharci loo soo marin iyo cabudhinta xorriyatul qawlka taasoo sawir foolxun ku ah dawladnimadeenna.

• Waxa iyaduna dhaqan liita noqotay in qaar ka mid ah wasiirradaadu ay u badheedhaan hadalo iyo gefaf sharci oo dastuurka iyo xeerarka dalka baal marsan, taasoo ay dhacday in aad mararka qaar adigu Madaxweyne ahaan dib u saxdo.

Waxaan Madaxweyne si Lexo jecla leh kuugu soo jeedinayaa inaad dhaliilaha xukuumadaada oo aanan jeclayn inaan hadda mid mid u tiriyo aad si dhakhso leh u saxdo ka hor muddada gaaban ee ka hadhay muddo xileedkaaga.

Madaxweyne, waxaan kaala talinayaa inaad maqasho inta talada xun, ee aan ka fakerayn khasaaraha ka iman kara, ee kugu dhiirri gelinaysa muddo korodhsi aan sharciyad ku dhisnayn iyada oo Dastuurku kuu dammaanad qaaday inaad  si sharci ah ugu tartami karto muddo xileed  labaad (Second Term).

Ugu dambeyn, Madaxweyne waxaan welwel badan ka qabaa oo aan kaaga digayaa inaanad wax farogelin ah ku yeelan is doorashada, madax bannaanida iyo shaqada ay xaqa u leeyihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kuna caawiso gudashada waajibaadkooda.

Madaxweyne, waxaan mar kale kugu dhiirrinayaa inaad dalkan magac kaga tagto oo aad ku dhiirrato inaad doorashada madaxtooyada xilligeeda ku qabato (13 November 2022)

Allaah Mahad Leh
Abdi Halim M. Musa
Ex V. Minister of Commerce
Ex Secretary-General of UDUB Political Party