Maayar Mooge oo 25 sanno kadib xaqal-ciid siiyey shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)’Maayarka Caasimadda Md Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa markii ugu horreysay 25 sannadood kadib lacag xaqal-ciid ah siiyey shaqaaleweynaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Lacagta xaqal-ciidka, ayaa ah dhiirrigalin Maayar Mooge ugu talogalay shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo sidoo kale mushaharkoodii ee bishan April qaatay saddex maalmood ka hor oo ku beegan 25kii bisha.
Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa aad u soo dhaweeyey lacagta xaqal-ciidka ah oo siday sheegeen shaqaalaha ruugcaddaaga ah ee DHH ay  ugu dambaysay xilligii uu Maayarka Caasimadda ahaa Cabdiraxmaan Cadami.