Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Somalia oo xilka la wareegay

Muqdisho-(Berberanews)-Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoonka golahaasi ugala wareegay Guddomiyihii Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Shirka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ahaa kii u horreeyey ee baarlamaanku yeesho tan iyo markii Shiikh Aadan Madoobe loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullahi Cumar Abshirow oo Khamiistii lagu doortay Muqdishu.

Aadan Madoobe ayaa gunaanadkii shirka ku dhawaaqay in Golaha Shacabku uu geli doono fasaxa Ciidda, islamarkaana uu dib kala fadhiyadiisa u bilaaban doono 4-ta bisha soo socota ee May.