Dowladda Taiwan oo nus milyan dollar ku wareejisay Guddida Waaheen

Hargeysa-(Berberanees)-Xukuumada Taiwan, oo kasoo jawaabtay baaqi uu madaxweynaha Somaliland caalamka kaga codsaday dhaqaale dib loogu dhiso suuqa Waheen, ayaa xukuumada Somaliland ku wareejisay lacag dhan $550,000 iyo qalab kale.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa deeqdan ka guddoomay wakiilka Taiwan u jooga Somaliland amb Allen Lou, “Aniga oo matalaya dowlada Taiwan iyo laba hay’addood oo Taiwan laga leeyahay, waxan jecelahay in aan  $550,000 oo ah taakulo deg deg ah ku wareejiyo guddida gurmadka suuqa” sida waxa yidhi amb Lou.