Buuq culus oo hadheeyey fadhigii ugu horreeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho -(Berberanews)-Buuq xooggan ayaa hadheeyey kulan ay saaka yeesheen xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii ay hoolka gudaha u galeen xildhibaanadii lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay arrintan, waxayna sheegeen in lasoo xareeyey xubno aan waday kaadhadhka aqoonsiga ee rasmiga ah.