Muqdisho -(Berberanews)-Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guulaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kadib markii wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday murashax Xasan Cabdinuur oo wareeggii koowaad helay codadka ugu badan.
Sheekh Aadan Madoobe oo la safan isbahaysiga mucaaradka ayaa hantiyey 163 cod, halka Xasan Cabdinuur oo la loollamayey, isla markaana xulafo la ah Farmaajo uu helay 89 cod, kadib doorasho aad u xasaasi ah oo teendhada Afisiyoone ee Madaarka Muqdisho ka socotay ilaa suxuurtii caawa.
Waa markii labaad ee uu barlamaanka Soomaaliya hoggaamiyo, waxaanu hore xilkan oo kale u soo qabtay xilligii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf, kadib markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Doorashada Aadan Madoobe ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaadheen musharraxiinta mucaaradka, kuwaas oo ku guulaystay inay meesha ka saaraan Xasan Cabdi Nuur oo wareeggii koowaad ugu codadka badnaa.
Murashaxa laga guulaystay ee Xasan Cabdinuur ayaa lagu tiriyaa inay aad isugu dhow yihiin oo uu taageero ka haystay madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo sida muuqata xaaladdu aad ugu xun tahay haatan.
Codadka xildhibaannada u tanaasulay Sheikh Aadan Madoobe, ayaa isbeddelka weyn ku sameeyay jihada doorashada ee wareeggii labaad, taasoo soo dadajisay guushiisa.
Guusha Aadan Madoobe waxay mudgi galinaysaa rajada soo laabashada madaxweyne Farmaajo, sida ay qabaan dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya, waxayna aaminsan yihiin doorashada guddoomiyaha barlamaanka ay tahay halka looga cabbir qaato cidda ku guulaysan karta doorashada madaxweynaha.