Madaxweynaha Turkiga oo safar ugu amba-baxay Boqortooyada Sacuudiga

Turkey-(Berberanews)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayaa inuu maanta gaadho Sacuudiga oo uu la kulmo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS), taasoo muujineyso isbeddelka xidhiidhka oo hoos u dhacay ka dib dilkii 2018-kii ee dhaleeceynta Sacuudiga qunsuliyada boqortooyada ee Istanbul.

Sidoo kale la kulanka Dhaxalsugaha Boqortooyada MBS, Erdogan waxa uu la kulmi doonaa Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Khamiista, sida ay sheegeen saraakiisha sare ee Turkiga.

Madaxtooyada Turkiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dib u eegis lagu sameyn doono dhammaan dhinacyada xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudiga, waxaana lagu falanqeyn doonaa tallaabooyinka lagu horumarinayo iskaashiga labada dal oo qeyb ka ah booqashada. “

“Aragtida ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah waa la is dhaafsan doonaa,” ayay raacisay

Kulanka ayaa noqon doona gabagabada dadaalo bilihii ugu dambeeyay ay Ankara ku dooneysay in ay dib u hagaajiso xidhiidhka ka dhexeeya, iyada oo doonaysa in ay yareyso dhibaatooyinka dhaqaale ee sii kordhaya.

Turkiga ayaa bishan go’aansaday inuu hakiyo dacwadda 26 Sacuudiyaan ah oo lagu eedeeyay dilka Jamal Khashoggi oo ahaa wariye u shaqeynayay Washinton Post oo ay Sacuudigu ku dileen dhulka Turkiga.

Go’aankeeda ah in kiiska loo wareejiyo Sacuudi Carabiya ayaa meesha ka saartay caqabad muhiim ah oo ku saabsan hagaajinta xidhiidhka iyo booqashadii Erdogan.

Arrintan ayaa madax-xanuun weyn ku noqotay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, ka dib markii qiimayn ay sirdoonka Maraykanku sameeyeen ay ku ogaadeen in ay u badan tahay inuu amray hawlgalkaas.

Amiirka ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay, inkastoo uu sheegay inuu aqbalayo mas’uuliyadda dilka, isagoo ah hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudi Carabiya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com