WADDANI oo ka hadlay isbeddelka kediska ee ku yimi hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa  -(Berberanews)-Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan wax dhib iyo shiddo toona u arag isbeddel ku yimi hoggaanka xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo doortay guddoomiye cusub, kii horena xilka ka qaaday maanta.
Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo Xisbiga WADDANI u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo si kooban uga hadlay isbeddelka ka dhacay hoggaanka Guddida Doorashooyinka Qaranka maanta, ayaa sheegay in aan xisbigoodu hambaynayn Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka oo loo doortay marwo Kaltuun Sheekh Xasan, sidoo kalena eedayn doonin guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Mr Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac).
“Komishanka Doorashooyinka Qaranka dorraad, shalay iyo maantaba waannu joognay wax xaalad iyo dhib ah oo ka taaganna maannu arag, sideedii bay nabad u ahayd. Haddii laga tagi waayo Komishanka ayaa laftoodu dhexdooda isbeddel sameeyey oo guddoomiye cusub doortay, annagana guddoomiye kasta oo la doortaa waa isugu kaayo mid 7da xubnood ee Komishanka Qaranka.
Komishanka xeer iyo nidaam baa siiyey in ay dhexdooda isbeddeli karaan, wax cusubna naguma ah oo aannu danayno, iyagaana xaq u leh, waanay noo sheegeen in isbeddel dhacay, markaa ciddii hore ee joogtayna ma eedaynayno, cidda timidna ma hambalyaynayno maaddaama ay noo siman yihiin xubnaha Komishanku.

Isbeddelka xeerkooda iyo nidaamkooda ayaa siiyey, wax saamayn ahna kuma yeelanayso arrinta doorashada,” ayuu yidhi Ismaaciil-yare oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta galabta.