Taariikh nololeedkii General Jaamac Maxamed Qaalib oo Jabuuti ku geeriyooday.

#Jaamac_Maxamed_Qaalib, waxa uu sannadkii 1933kii ku dhashay Deegaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Waxa uu Booliiska ku biiray bishii April sannadkii 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London. Bishii May sannadkii 1962kii, Jaamac Maxamed Qaalib waxa loo magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Jaamac Maxamed Qaalib, waxa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed bishii February, sannadkii 1970kii.

#Jaamac_Maxamed_Qaalib xilalka uu soo qabtay waxa ka mid ahaa:

1. Madaxa Booliiska Gobolada Waqooyi, 1960 – 1962.
2. Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed, May 1962 – April 1966.
3. Madaxa Booliiskii Gobolada Waqooyi (Mar labaad), April 1966 – April 1969.
4. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Feb. 1970 – Dec. 1974.
5. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dec. 1974 – Dec. 1976.
6. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Jan. 1977 – April 1978.
7. Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga, April 1978 – Feb.1982.
8. Wasiirka Gaadiidka, Feb. 1982 – May 1984.

Burburka ka dib, waxa uu madax ka ahaa guddigii diyaarinta Axdi Qarameedka, shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Carta ee dalka Jabuuti, sannadkii 2000. Sidoo kale, waxa uu door weyn ku lahaa shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret, Kenya. Dhinaca kale, waxa uu ka mid ahaa Soomaalidii sida xun uga gilgilatay duullaankii Xabashida ee Soomaaliya sannadkii 2006dii, waxaanu ka mid ahaa Ururkii Dib-u-xoraynta Soomaaliya ee lagaga dhawaaqay Asmara, Eritrea.

Dhinaca qoraalka iyo kaydka taariikhda Soomaalida, Jaamac waxa uu qoray ilaa lix buug oo kala ah: The Cost of Dictatorship oo uu qoray sannadkii 1995kii. Who is Terrorist? Oo uu qoray sannadkii 2005tii. Defending History oo uu qoray sannadkii 2005tii. Somali Phoenix oo uu qoray sannadkii 2012kii. The Ogaden oo uu qoray sannadkii 2014kii iyo buuggiisii ugu dambeeyey ee Taariikhda Soomaalida – Xogogaalnimo u badan –  oo uu qoray sannadkii 2020kii. Sida oo kale waxa uu qoray waraaqo door ah.

Jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu ahaa nin adkaysi badan, iskoris ah, isagu wax is baray, waxbarasho nidaami ah aan soo marin, balse ka dheereeyey kuwii soo maray. Waxa uu ahaa nin xusuustiisu ay aad u heer sarraysay, siyaasadda aragti cad ka lahaa, qalinkiisuna uu runta yaqaanay.

Ilaahay ha u naxariisto Jaamac Maxamed Qaalib, caawa ayuu ku geeriyooday Jabbuuti.

#Qalinkii_Nageeye_Cali_Khaliif.